Afhayeenka amisom oo sheegey in weerarkii xaley ey ku dhinteen Askar jabutiyan ah

0
46

cali adanAfhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ay saddex askari oo Jabuutiyaan ah ku dhinteen, sidoo kalena ay askari oo Soomaali ah ku dhinteen.

Col. Xumad oo u warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, laakiinse ay ciidammadii ku sugnaa hoteelka ay ka hortageen. Dhaawacyadii ka dhashay weerarkana maanta la keenay Muqdisho.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay Somalia uga sugan yihiin, balse ma uusan sheegin xilliga ay howlgalladan cusub billaabi doonaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee Al-shabaab ay ku qaaddo degmada Buulo-burte tan iyo markii ay ciidamada AMISOM kuwa dowladda Somalia iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas toddobaadkii hore.

Daafeet.Com