Madaxweynaha koonfur galbeed oo ku dhawaaqey qaar ka mid ah wasiirada dowlad goboleedka koonfur galbeed

9
45

DSC01243Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed,ayaa goordhow ku dhawaaqay qaar kamid ah xubnaha ka mid noqonaya wasiirrada cusub ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa uu ku dhawaaqay ilaa 7 Wasiir.

Wasiirrada La Magacaabay Waxa Ay Kala Yihiin:-

1. Dr. Maxamed Cali Xaamud, wasiirka garsoorka iyo arrimaha Diinta.

2. Dr. Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo jaaliyaddaha dibadda.

3. Dr. Maxamed Nuur Cabdulle, wasiirka madaxtooyada

4. Prof. C/qaadir Nuur Abuu, wasiirka beeraha iyo bay’ada

5. Cabdifataax Ibraahim Geeseey, wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga

6. Cabdullaahi Maxamed Idiris (Leesto), wasiirka gaadiidka iyo garoomada

7. Shiine Macallin Nuuroow, wasiirka dowladda Hoose iyo horamarinta reer miyiga

Madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa sheegay inay dowladiisu yeelan doonto 23 wasiir, ayna ku dhawaaqi doonaan wasiirrada kale maalmaha soo socda, isagoo sidoo kale sheegay inuu magacaabi doono maamullo KMG oo gobollada iyo degmooyinka hoos-yimaada maamulkooda ay yeelan doonaan.

 

Daafeet.Com

9 COMMENTS

  1. Maansha allah waxaan orankarnaa waaguul usoohoyatay k/g beed somalia waxaan idinleeyahaycadowgiinuhajabo guulasta aamiin aamiiiim mansha allah ( ilbuktoykubikaacso)

  2. baal egaa imandarad Rerwin. That is why Garre will always oppose, the idea that lower shabeele to be served to hyiena on plate. Saadbursi iyo hunguri weyni ayaan rewin kunacey.

  3. Wacdaan Cisman: Xaqiiqda waa balan Xabadda sida aad sheegtay waa lama huraan, adiga ha u cararin CADAADO. Jeneral Mohamed Farah Aydiid, gurbaanka beenta ahed, ee ku soo garaacay maata ayaad ogaan doontaa.

  4. Yaasalaaaaaaam yaasalaaaaaaam
    waafarxad aad iyo aad uqiima
    badan oo usoohooyatey umada rer konfur galbeet waxaan leyahay geensiyaasha xilka loodhiibey guuleysta garabkiin Allaah hagale aamiiiiin aamiiiin

  5. Yaasalaaaaam yasalaaaaaaaal
    waafaxad aaaaad iyo aaaaaad
    uwen oo usoohooyatey shacabka rer konfur galbeed ee
    waxaan lenahay geensiyaasha
    xilkaloodhiibay guuleysta
    garabkiin allah hagale ee aamiin

  6. Wacdaan wuxuu ka mid yahay dadka asaaska u ah una soo dhabar adeegay dhismaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed, sidaas u ogaada nimankiina ku murmaaya in aad is xabadaynaysaan.

Comments are closed.