Gudomiyaha barlamanka mudan Maxamed Cusmaan Jawari oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid alaha u naxariistee Shariif saalax Maxamed

0
63

jawaariGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Shariif Saalax Maxamed oo ahaa gudoomiyihii gudiga qorista farta Soomaaliga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, raxmadii Jano Alle ha siiyo, dambigiisana Alle ha dhaafo,qabrigiisa Alle ha u nuuriyo,anagana gadaashiis Alle nama fidneeyo”

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale ka waramay taariikhda iyo saameynta Marxuum Shariif Saalax uu ku dhex lahaa umadda Soomaaliyeed islamarkaana halgan dheer usoo maray tacliinta umadda Soomaaliyeed oo waxa uu ahaa qof wax badan ka qoray Afka Soomaaliga.
Daafeet.Com