Madaxweynaha dowlada federalka oo maanta furey kulankii 4aad ee golaha shacabka

0
65

xasan 1Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn ka hadlay xafladda Furitaanka Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka ayaa magaca Mudaneyaasha Baarlamaanka waxa uu tacsi ugu diray marxuumiintii geeriyootay intii uu xirnaa Kalfadhiga Golaha Shacabka oo ay ka mid ahaayeen Shariif Axmed Maxamed Cali iyo Fanaan Maxamed Suleymaan Tubeec, si gaar ah waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka tacsi ugu diray Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo Askar ka tirsan ay naftooda u hureen iney shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadaan Khawaarijta Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha hortiisa waxa uu kaga dalbaday Xukuumadda Soomaaliya iney Baarlamaanka ku hor keento inta aanay idlaan bishan March dhameystirka miisaaniyadda Sanadka iyo in ugu dambeyn Golaha Shacabka lagu horkeeno sida uu Ra’isulwasaaraha horey u ballan qaaday 30ka bishan Maarso barnaamij waqtiyeysan oo ku saabsan howlaha Xukuumadda iyo qorshaha ay Wasaarad walba kula shaqeyn laheyd guddiga Baarlamaanka ee ku shaqada leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna jeediyey khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Xukuumadda iney gudato howlaha uu Baarlamaanku ka dhowrayo, waxaana uu dhanka kale uga mahad celiyey Xildhibaannada sida ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaranka, sanadkan 2014ka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay inuu yahay sanadka waxqabadka, Baarlamaankana waxa uu ku bogaadiyey sida ay ugu diyaarsanyihiin iney shaqadooda gutaan.

Mar uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlayey dalka ayuu xusay Soomaaliya iney kasoo kabaneyso burbur dhinacyo kala duwan ah sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay in iskaashi la muujiyo, sanadkii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay inuu ahaa sanad aad iyo aad horumar loo sameeyey marka la is barbardhigo sanadkan iyo sanadkii 2012,si gaar ah ayuu ugu faah faahiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka qorshaha xasilinta dalka ee ay Dowladdu wado kaasi oo si dar dar leh uga soconaya gobollada Dalka.

 

 

Daafeet.Com