Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay sii kordhinayaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowaldda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay sii laba jibaari doonaan dagaalada ka dhanka ah ciidanka kasoo horjeeda.
Wuxuu sheegay inay siiwadayaan bartilmaameedka dagaalka ay ku hayaan ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda, isaga oo ku nuux-nuuxsaday in dhiiga ay ka daadin doonaan ciidamadaasi.
Daafeet.Com