Nabadoon xaley lagu diley magalada kismaanyo

0
55

dilDabley ku hubeysan bistoolado ayaa Xalay Nabadoon Caan ahaa waxaa ay ku Dileen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Allah ha u naxariistee Ugaas Xuseen Haafoow ayaa lagu Dilay Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo waxaana la sheegay in Kooxaha Dilka geystay durbaba la soo qabtay iyagoo aan fakan.

Meydka Nabadoonka ayaa waxaa loo qaaday Garigiisa waxaana saakey lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Daafeet.Com