Inaalilaahi wa Inaa Ileyhi raajicuun wiilkii yaraa oo ey shaley dileen ilaalada shariif oo maanta lagu aasey magalada baydhaba

2
60

baydhabInaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Allaha u naxariistee waxaa goor dhoweyd aas qaran loogu sameeyey magalada baydhabo Marxuum Xasan Aadan Keerow oo ey shaley xabad ey si bareer ah ugu fureen ilaaladii shariif sakiin.

Aaska wiilkan yar ee shaley gardarada xabada loogu dhuftey ayaa waxaa kasoo qeyb galey Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed, Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shure, Wasiirada K/galbeed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dadweyne aad u fara badan iyo ehelada marxuumka.

Allaha u naxariistee meydka marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Abow Asharow ee duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo salaadda Janaasada lagula tukaday isla goobta lagu aasay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday ay dishay gacan ka gardaraneyd lana marsiin doono cadaalada, Madaxweyne Nuunow ayaa ku tilmaamay Mujaahid Marxuum Xasan Aadan Keerow Geesi wadani ah, isagoo tacsi tiiranyo leh u diray ehelada marxuumka iyo guud ahaan ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 
Daafeet.Com

 

2 COMMENTS

  1. Innaalilaahi waa innaa ileyhiraajucuun ilaahay ha unaxariisto marxuunka gacankaxaqdaran ayaadishaye waana in shaqsiyaadka dilkagaystay cadaaladalahor keenaa

  2. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHIRAAJICUUN ILAAHEY HA NAXARIISTO EHELADII UU KA GEERIYOODEYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLE HA IDINKA SIIYO AAMMIN AAMIN.WAXAAN KALOO LEEYAHAY YAAN LA ILAWIN REERKA MASIIBADAN AY HESHAY OO ANIGA AAN KA MID AHAY.

Comments are closed.