Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo xaley gaarey Kambala

1
49

cabdi weliRa’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD, waxaana shirkan oo furmay 24-kii bishan looga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirta degaanada miyiga ah, si looga hortago abaaraha ka so bilowda biyo yarida iyo daaq la’aanta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa shirka u fadhiyey khubaro iyo guddiyo farsamo kuwaasoo sii diyaarinayay qorsheyaasha shirka, waxaana maanta la filayaa inay si rasmi ah u fariistaan wasiirrada dalalka IGAD ee qaabilsan abaaraha, beeraha iyo xannaanada xoolaha, iyagoo ka doodi doona qodobbo badan oo ay kamid yihiin: sidii loo heli lahaa ceelal iyo dhul-daaqsimeed ballaaran.

Shirkan ayaa soo xirmi doona maalinta beerri ah oo ku beegan March 27, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo looga gaashaamanayo musiibooyinka abaaraha iyo nabaad guurka degaanka.
Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.