Maamulka degma Afgooye oo xilka laga xayuubiyey

1
57

cabdulahi ideeyWareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa xilalka looga qaaday dhammaan xubnihii maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xil ka qaadistan oo ah tii u horreysay oo xilal dhan looga qaado maamul degmo ayaa loo cuskaday qodobbo kala duwan oo ay ugu weyn tahay xagga amniga, iyadoo xubnaha xilalka laga qaaday la faray in xilalkooda ku wareejiyaan xubnaha cusub ee la magacaabay.

Mas’uuliyiinta xilalka laga xayuubiyay waxaa ka mid ah, guddoomiyihii degmada Afgooye, C/llaahi Cabdi Axmed (Iidey), guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada, Mahdi Axmed Xasan, xoghayaha dowladda hoose iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulka degmada.

Dhanka kale, waxaa wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Afgooye iyadoo loo magacaabay, Xaaji Gaabow, ku-xigeenka degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Xuseen Jibriil, halka madaxa dowlada hoose loo magacaabay Cismaan Carab.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Asc,war anigaa waan filaayey innaa sidaa ku iman doonto Dowladda talaabo wanaagsan aayaay qaaday maxaa yeelay dadkaan la badalay waxay aheen dad u joogay dantooda iyo lacag aaruursi xaraan ah kanna fikireen dantaa degmadda afgooy ninkii runta u sheego way xiraan kama xuushoodaan mana ixtiraamaan dadkii oodayaashi reer Afgooye waa dad shufto ama(MAAFIIYA) ah isbaheystay unaa heeshiiyey dadkii dagaanka hadda caradii illaahay ayaa ku dhacay waana istahilaan/somaliueey toos

Comments are closed.