Qurbo joogta Koonfur galbeed somaliya oo aad usoo dhaweeyey mowqifka ey dowlada itoobiya ka qadatey arimaha maamulka

0
53

13Waxaan aad iyo aad u soo dhaweynaynaa haddaynu nahay qurbo joogta reer Koofur Galbeed mowqifka ay Dowladda Ethiopia ku cadeysay in ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha 6da Gobol ka dib markii ay soo shaacbaxday in ay Ethiopia iyo DF gadaal ka riixayaan qorshihii shariif xassan watay taas oo sabab u noqotay in 3 beri gudahooda shacab gadoodsan uga tarxiilaan Baydhabo Janaay.

Baaqii maanta wuxuu soo yareeyey kalsooni la’aantii shacabka Koofur Galbeed ku qabtay Dowladda Ethiopia ka dib markii la yiri Dowladda Addis-ababa waxay is hor taag ku sameysay dadaalkii ama heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guurtida mathalaysay shacabka Koofur Galbeed si ay u hirgelisho rabitaanka shacabka Koofur Galbeed kuna dhisan lahaayeen Dowlad Caadil ah una dhaxeysa ummadda walaalaha ah ee ku abtirsada Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxaan codsi u diraynaa dhamaan sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, UNSOM. IGAD, AMISOM, in ay ku dayasho mudantahy talaabadii lama iloobaanka ahayd ay qaaday Dowladd Ethiopian si ay u fududaato ka gungaarka arrimaha siyaasadda Dowladda Koofur Galbeed looguna gogol xaarayo horumarinta dib u heeshiisiineed iyo wada hadal dhex mara walaalaha isku danta ah ee wada degga Koofur Galbeed Soomaaliya.

Haddii ay dhacdo in shacabka lakala xigsado waxaa dhaawacmaya miisaankii dowladnimo iyo democratiyaddii ay dowladaha reer Galbeedku gaarsiinayeen dunida inteeda kale. Hadaba, waxaa hubaal ah in shacabka ka soo jeeda 6da Gobol ee Koofur Galbeed ay hiddo iyo dhaqan ku filan u leeyihiin in ay nabad iyo xasilooni waarta gaarsiiyaan dhamaan dadka ku hoos nool dalada 6da ah haddii la siiyo fursad ay ku dhameystiraan howshan ay muddada soo wadeen.

Maahmaah baan dadka u dardaaramaynaa waxaana leeyahay HABAR KARIS XUN IYANA KAAL KU LEH, marka haddii aynu nahay waxgaradka reer Koofur Galbeed iyo Dowladaha kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya waxaa nagu waajib ah dhamaan in aan ilaalino NABADA si loo wada gaadho danaha guud oo u xayiran nabad la’aanta maanta ka jirta Soomaaliya.

 

Asha A. Kaasim