Diyaarad sida 82 ruux oo laga soo musaafuriyey kenya oo kol dhow soo fariisatey garoonka Adan Cade

0
139

diyaradWarar eynu ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ey kasoo degtey diyaarad ey la socdeen 82-ruux oo Qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo dalka Kenya laga soo masaafuriyay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mohamed Ali Ameeriko ayaa la socda dadka Qaxootiga ah ee lasoo musaafuriyay.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo muwaadiniintaan dalkooda hooyo kusoo dhaweynaya.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka kenya ayaa beryahan dambe waxaa uu dhibaatooyin badan u geystey muwaadiyiinta somaliyeed ee ku nool dalka kenya ayagoo mar walba ley somalida u aaneeyaan qalalaasaha a jira dalkooda.
Daafeet.Com