Kenya oo sheegtey iney dib usoo celineyso somalida aan sharciga ku laheyn dalkooda

0
78

kenyaXukuumadda Kenya ayaa billaabaysa maanta inay dib ugu soo celiso Soomaaliya in ka badan 80-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu qab-qabtay howlgalladii tan iyo toddobaadkii hore ka socda magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Dadkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aan haysan dhalashada dalka Kenya, lana go’aamiyay in Soomaaliya lagu celiyo, waxaana dadkan ay isugu jiraan, rag, dumar, carruur iyo waayeel, kuwaasoo ku xirxiran xabsiyada magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Keynyatta ayaa ku heshiiyay in dadka sharciga leh ee lagu qabtay howlgallada laga sii daayo xabsiyada, kuwa aan sharciga lahaynna dib loogu celiyo Somalia.

Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada Niarobi ka billaabay howlgallo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii, inkastoo booliisku ay iska fogeeyeen eedeyntaas ayna sheegeen in howlgalladu ay yihiin kuwo gabi ahaan Nairobi ka socda.
Daafeet.Com