Sierra Leone oo ciidamo horleh usoo dirtey dalka somaliya si ey uga qeyb qaataan howlgalada ey ka hayaan somaliya

0
53

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepDowlada Sierra Leone ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah ay usoo dirtay dalka Soomaaliya ay soo gareen dalka Soomaaliya kuwaasi oo ku biiray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadaasi ayaa xoojinaya guutada ciidamada Sierra Leone kuwaasi oo ku sugan koofurta dalka Soomaaliya halkaasi oo ay kula sugan yihiin ciidamada Kenya, sida lagu sheegay qoraalka AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadaasi ka socda Sierra Leone ay ka howlgalayaan deegaanada laga saaro ciidamada Kenya, kuwaasi oo la qorsheynaya inay isaga baxaan gobolada Jubooyinka.

Wakiilka gaarka ah midowga Africa ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ciidamadaasi dowlada Sierra leone ay usoo dirtay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Daafeet.Com