Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere oo ka hadley dilalkii lagu diley Xildhibaanada

0
84

cali dhereAfhayeenka Alshaba Cali Dheere ayaa ka warbixiyey sababta keentey in laba maalmood oo isku xigta ey dilaan ninman xildhibaano ah.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada baarlamaanka inay tahay inay isku sheegeen inay yihiin sharci-dejiyeyaal doonaya in sharciga Ilaahay ay ka kor-mariyaan sharciga ay iyagu dejiyeen.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay inay sii wadayaan beegsiga ay ku hayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku boorriyay xoogagga Al-shabaab ka tirsan inay ku toogtaan meel walba oo ay kula kulmaan xubnaha baarlamaanka.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan jirin wax ka hor-istaagaya inay xildhibaannada ku ugaarsadaan meeshii ay doonaan, wuxuuna xusay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan wanaagsanayn oo wixii la doono laga sameyn karo.

 

Daafeet.Com