Kadib markii Dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirkeeda dalka Kenya, ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mohamed Ali Ameriko.
Cali Ameeriko ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo saxaafada u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay safiirka u yeertay.
Mahad Salaad Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha dibada, ayaa tilmaamay in sababta loogu yeeray Safiirka ay tahay dhacdadii ciidanka Kenya ay ka geysteen Magaalada Nairobi, isaga oo sheegay in sababta Safiirka loogu yeeray ay tahay arimo ku aadan la tashiyo.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mohamed Ali Ameeriko, ayaa dhankiisa sheegay in sababta uu yimid ay tahay in Dowladda Soomaaliya uu warbixin ka siiyo sida loo xiray Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana uu sheegay in baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada uu warbixin kasiin doono.
Daafeet.Com
Maxaa lagu xirey qunsulka somaliya u fadhiya ayey idinla tahay, iyo magaciisa hadii aad taqaanaan.
mahadsanid daafeet.com
Comments are closed.