Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagay baarlamaanka iyadoo su’aalo laga weydiiyay arrimo ku saabsan amniga.
Markii uu kulanku billowday ayuu wasiirku ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka in marka uu su’aalaha ka wajaabayo dibadda loo saaro saxaafadda Soomaaliya, laakiin taas waxaa diiday inta badan xildhibaannada, iyadoo guddoonkana uu go’aamiyay in uu saxaafadda horteeda kaga jawaabo su’aalaha la weydiiyay.
Ugu horreyn wasiirka amniga ayaa ka jawaabay su’aal looga ugu horreysay oo ahayd weerarkii Al-shbaab ay ku qaadday madaxtooyada bishii 21-kii Feberaayo, isagoo sheegay in weli baaritaannadii weerarkaas uu socdo, lana shaacin doono marka lasoo gaba-gabeeyo.
Sidoo kale, wasiirka oo ka jawaabayay su’aal labaad oo ku saabsanayd amniga isagoo xusay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay heleen hay’adaha amniga 8559 xog oo dhammaantood khatar u ah ammaanka dalka iyo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, wasiirka Amniga ayaa ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka inay u fududeeyaan hay’adaha ammaanka Qaranka howlahooda, sida inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagaxisada.
Daafeet.Com