Dowlada KoonfurGalbeed oo aqoonsi buuxda ka heshay Dowlada Fedraalka Soomaaliya.

3
63

sawqWarar aynu kasoo xiganay ilo laysku halayn karo oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxay ku waramayaa in Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed ee mudada Labada usbuuc ah ku sugnaa magaalada Muqdisho in howshoodii siyaasadeed ee ay u joogeen Muqdisho ay maanta soo idlaatay isla markaana ay guul ku dhamaatay.

Wafdigan oo soo gaaray magaalada Muqdisho horaantii bishan ayaa waxay kulamo aan loo kala kicin magaalada ay kula lahaayeen madaxda Qaramada midoobay xafiiskooda Soomaaliya,Safiirada wadamada daneeya arimaha Soomaaliya,Hay’adaha samafalka iyo Madaxda Dowlada Soomaaliya gaar ahaa sedexda Mas’uul ee dalka ugu saraysa iyo gudi heer wasiiro ahaa oo loo xilsaaray ka miradhalinta isfaham dhex mara labada Dowladood.

Mid kamid ah kulamada ahaana kii ugu danbeeyay ayaa waxay habeen hore la qaateen wafdiga Madaxweyne Nuunoow dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyada Xasan Shiikh,Kulankan oo ahaa mid ay kawada qaybgaleen Madaxda sare ee dalka iyo gudiyadii labada dhinac ee wadaxaajoodka ayaa waxa uu ahaa mid albaabada laysu laabtay.

Kolkii uu kulanku soo idlaaday kadibna waxaa war ina siiyay xubin ka tirsan gudigii wada xaajoodka oo diiday inaan magaciisa xigano balse inooga waramay sidii ay wax u dheceen kulankan ay albaabadu u oodnaayeen waxa uuna noo sheegay in kulanku ahaa mid diirada lagu saarayey sidii uu madaxweynaha uu aqoonsi buuxda oo uu usoo bandhigo Caalamka iyo Saxaafadana uu siiyo Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed oo ka kooban 6-da gobol. iyo weliba inuu dib uga laabto aqoonsigii hore ee uu siiyey maamulka fadhiidka ku noqday magaalada Kismaayo ee uu Ahmed Maxamed Islaan Madoobe uu hogaamiyo taasi oo laysku afgartay.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhankiisa codsaday in Madaxweyne Nuunoow,Ku xigeenkiisa iyo Golaha wasiirada Dowlada KoonfurGalbeed ay gacan ku siiyaan sidii Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha KoonfurGalbeed ay ugu qancin lahaayeen inay taageero siiyaan Madaxweynaha iyo Dowladiisa si uu madaxweyne Xasan uga badbaado in la rido taasi oo ay dhankooduna ka aqbaleen.

Hadaba fulinta heshiiskan ay fuliyaan labada Dowladood ayaa waxa uu horumar u noqon doonaa guud ahaa geedi socodka loogu jiro inay Soomaaliya gaarto Dowladnimo leh hay’ado iskaabaya kuwaasi oo Dalka iyo Dadkuba u horseedi doona Sinaan,Cadaalad,Nadab iyo Horumar halka Aqoonsigan uu Madaxweyne Xasan Shiikh siiyay daowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfurgalbeedna uu noqon doono mid meesha kasaara rajadii waalida ku dhisnayd ee ay baryahan ku noolaayeen Mooryaan Ahmed Maxamed Islaan Madoobe iyo Xertiisa Raaskambooni oo horayna uga mid ahaa koox diimeedka madax adeegu haleelay ee Al-Shabaab.

3 COMMENTS

  1. Warkaan warbaan ka sugeynaa mar haddii Ruuxa aad ka hesheen Warbixinta uu diidey magaciisa inuu sheego.

  2. mamulka k/galbeed waxaan u rajeynayaa guul iyo iney qabtaan waxa ay ka sugayaan shacabka ku dhaqan deegaankasi..hadii uu taagero xasan amaba uusan taagerin labadaba..

  3. Dadaalka Lagu jiro waa mid cadag oo meel fiican maraya balse u Baahan Dadaal dheeraad iyo foojiknaan Badan dhan waliba leh wayo siyasada waa ilduuf mar Hadii ilduftidna ma jirto igu eli ee Foojiknaanta Hala Badiyo dadaalkana hala kordhiyo

Comments are closed.