Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta,Iskaashiga Iyo Jaaliyadaha Dibada oo la Kulmey Sarakiil ka tirsan Wasarada Arimada Dibada Britan iyo Safarada Turkiga

0
54

IMG_0278Wafdii uu hogaaminaayo Wasiirka ku xigeenka Qorsheynta, Iskaashiga iyo Jaaliyaddaha Dibada Ahmed Cismaan Duuble iyo Eng.Salah Sheik Osman iyo Dr.Abdirashiid Haji Hasanow ayaa waxaa ey kulan la qaateen shaley gelinkii dambe Dawlda Ingiriska iyo qaar ka tirsan safaarada ku yaala magalada London ee dalka Uk.

Wafdigan ayaa kulankiisa waxaa uu diirada ku saarayey siduu uga dhaadhicin lahaa dowlada ingiriiska iyo caalamka intiisa kale rabitaanka shacabka koonfur galbeed somaliya.

Wafdiga ayaa kulankii ugu horeeeyey waxaa uu la qaatey sarkaal ka socdo Safarada Turkiga oo sii qoto dheer falaanqeyey cadalad darada ka jirto Qeybsiga Gargaar Umada Somaliyeed loogu talagaley oo dad khaas ku takri falaan, Sida Gargaarka waxbarashda,Caafimaad, Dhaqaale. Waxaana lagu Casuumey Safiirka Turkiga ee Somalia Joogo in uu Tago Baidoa si uu u soo ogaado Xaalada dhabta ka jirto Koonfurta, iyo Dib u dib u dajinta Barakacayaash.

Wefdigan ayaa sidoo kale la kulmey saraakiil ka socota wasarada Arimaha Dibada ee Dawlada ingiriska waxaa ey ka wada hadleen taarikh dheer ay umdaan koonfur galbeed soo martey iyo Cadalad darada ilaa iyo waqtigan xaadirka ah lagu hayo waxaa kaloo ey kala hadleen shibaatooyinkii loo geystey xiligii caasimada koonfur galbeed loo bixiyey magaladii dhimashada.

Gabagabdii kulanka ayaa wafdiga waxaa ey ugu booriyeen dowlada ingiriiska in ey si caadi ah ula xiriirto masuuliyiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya amaba ey tagaan hadii ey doonaan magalada baydhabo si ey ula kulmaan qaar ka mid ah shacabka koonfur galbeed somaliya.
Daafeet.Com