Ciidamada nabadsugidda dowladda Somalia ee ku sugan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa dilay wariye ka howlgeli jiray idaacad ku taalla magaalada Kismaayo, kaddib markii ay kala baxeen gurigiisa.
Ehellada wariyeha la dilay oo lagu magacaabi jiray Farxaan Macallin Maxamuud ayaa u sheegay warbaahinta in ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda ay guriga kala baxeen wariyaha dorraad galab.
Sidoo kale, Cabdulle ayaa sheegay in ciidamadu ay ku eedeeyeen wariyaha inuu la shaqeyn jiray Xarakada Al-shabaab, balse aysan iyagu waxba ka ogeyn arrintaas, ayna caddeyn karaan inuusan xiriir la lahayn kooxadaas.
Qaraabada marxuumkan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay sharciga marsiiso ciidamadii dowladda Soomaaliya ee sida sharci-darrada ah dilka ugu geystay wariyahan oo dhawaan ka yimid Kismaayo.
Daafeet.Com