Ergeyga Midowga Africa u Qaabilkasan Arimaha Somaliya oo ugu Baaqey Deeq Bixiyeyaasha Iney Taageeraan Puntland

0
176

anadifErgayga Midowga Afrika ee arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa ugu baaqay beesha calaamka inay ka taageeraan maamul-goboleeedka Puntlnad dhinacyada ay doonayaan inay horumarrada ka sameeyaan.

Danjire Anaadiif oo ka hadlayay shir Puntland uga furmay deeq-bixiyeyaasha caalamka uga furmay maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas in caalamku uu si dhaqso ah uga gargaaro horumarinta meelaha ay sida gaarka ah u doonayaan, taasoo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay noqoto dal deggen.

Wakiilka ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tagay Garoowe si uu xoogga u saaro arrimaha horumarinta Puntland, isagoo xusay in tani ay kaalin weyn ka qaadan doonto sidii salka loogu dhigi lahaa deggenaashaha Soomaaliya.

Isagoo ku hadlayay magaca guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ayuu danjire Anaadiif sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay Puntland ka taageerto dhismaha ciidamada amniga, gaar ahaan taageero aan siinno ciidanka booliiska iyo kuwa milateriga si ay uga hortagaan weerarrada argagaxisada.

Si kastaba arintu ha ahatee waxaad moodaa ergoyga  midowga africa Danjire Maxamed Saalax iyo ergeyga amisom Nicholas Kay ey ka wadaan gudaha dalka somaliya  kala qeybin iyo u kala eexasho arimaha somaliya isla markaana qolo kasta ey si ey danaheeda gaar ahaaneed u gaarto ey taageerto kooxda ey is leedahay waa idiin fulin karaan danihiisa isla markaana ey u caburiyan somalida inteeda kale, Taasi oo aan eheyn muhiimadii african unione iyo amison ey u yimaadeen dalka somaliya.

 

Daafeet.Com