Kulan aan loo kala kicin ayaa waxa uu caawa ka soconayay xarunta looga taliya dalka Soomaaliya ee Villa Somalia,Kulankan oo ahaa mid u dhexeeyay sedexda mas’uul ee dalka ugu sareeya oo dhinac ah iyo gudiyadii wadahadalada Dowlada KoonfurGalbeed iyo tan Fedraalka oo dhinac kale ah.
Kulanka sedexda mas’uul ee dalka ugu sareeya ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud looga dhaadhicin lahaa in aanu caqabad horleh aanu ku horgudbin dhamaynta madmadowgii ku dhexjiray labada Dowladood isla mar ahaana uu ka tanasulo labadii qodob ee uu ku soo kordhiyay maanta heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac.
Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxa ay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha dalku ay Madaxweynaha ku qanciyeen inuu ka tanazulo qodob ka mid qodobadii labada ahaa ee uu soo bandhigay Madaxweynaha,Halka labada mas’uulna khadka telefoonka kula xiriireen Madaxweyne Madoobe Nuunoow iyo Ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan una sheegeen in madaxweynuhu ka tagay qodobkii ay madaxda KoonfurGalbeed ay masiirka u arkayeen sidaa daraadeedna in iyaga dhankooda ay ogolaadaan in kulan lagu soo xirayo shirweynihii maamul u samaynta gobolada KoonfurGalbeed uu ka dhaco magaalada Baydhabo si Madaxweynaha,Madaxa siyaasada Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya,Urur goboleedyada iyo Safiirada wadamadooda daneeya arimaha Soomaaliya ay gebgebada kulanka uga qaybgalaan.
Dhanka kale: Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay wada qaateen madaxda dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nickolas Kay.
Sidoo kale ayaa Madaxweyne Madoobe Nuunow waxa uu maanta qado u sameeyay in kabadan 110 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya waxayna soo gaarsiiyeen fariintooda ku aadan inay garab taagan yihiin Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed.
arin iska Daba Wareeg oo Looga Goleyahay Jahwareer in la Geliyo Maamulka Konfur Galbed mar hadii xada la Leeyahay dib Haloo soo eliyo Gaba Gabada Shirka waa Qarat usub
aragtideyda idii sidan ku Raaceyso k/ galbeed ahlan wasahla idii Diidan Badda ha tagto oo biyeheeda Ha cabaano.
waxaa yididiilo wafxadeed ah xildhibanada Baarlamaanka 110 ka ah iyo xadalada ka soo
baxay waan soo dhaweyneynaa waana ku faraxsanahay ugu danbeyn jogow loo wada Jooj waxan sugeynaa wafdiga madowe iyo wixii baydhaba la yimadaan
xasan cadow rer koonfur
dadaal wacan. dadaalka eey wadaan masuuliyiinta K/G. waxaan leeyahay ha is dhiibina inlaa xaqiina aad ka soo dhacsattaan. aniga waan idinku raacsanahay dadaalka aad wadaan, waa mid Barito anfaceyso ciyaalka soo koraayo.
Talo: waligiin qilaafka iska ilaaliya. isku xirnaan muujiya. waa muhiim in Baydhabo ey nabad noqoto oo qaraxa iyo dilka laga hortago. guuleysta.
Comments are closed.