Warsaxaafadeed Kasoo Baxey Odey Dhaqameedyada Koonfur Galbeed Somaliya

0
57

odayalWada tashi dheer ka dib shacabka Koonfur Galbeed waxay dhisteen Dowlad Goboleed waafaqsan Dastuurka Federaalka

1. Dowlada Federaalka iyo xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay waxay hogaanka DKG ku casuumeen wada hadal. Wada hadaladaasi wali way socdaan waxaana rajeyneynaa in is faham ku dhamaado.

2. Balse waxaan aad uga xun nahay hadalka ka soo yeeray Ergeyga Khaaska ah ee Soomaaliya u fadhiyo Qaramada Midoobay kaasoo ka hordhacay natiijooyinka wada hadalada wali socda.

3. Waxaa nasiib daro ah in Ergeyga hadaladiisa ay mugdi galiyaan wada hadaladii sida wanaagsan u socdeen, hadaladiisa waxay dhaawaceen geedi socodka wada hadalada ayna keentay in hoos u dhacdo kalsoonidii loo hayay Xafiiska UNSOM.

4. Hadalada ka soo yeeray ergeyga waxay keentay in loo arko inuusan dhexdhexaad ka eheyn arrimaha soomaaliya taas waxaa daliil u ah in ergeyga oo dhameestirtay Mandate-kiisa 12-da Bilood ugu horeyay uusan cagta soo dhigin magaalada Baydhabo asagoon siinin fursad uu ku fahmo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

5. Anagoo mataleyna shacabka Koonfur Galbeed waxaa ayidaynaa in la sii wado wadahadalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kula jirto Dowladda Federaalka, anagoo aaminsan in khilaaf kasta oo jira lagu xaliya wadahadal.
MahadsanidiiN

 

Daafeet.Com