Daawo: Sawirada kulan Caawa dhexmarey Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed

3
70

jw6Wafdiga Koonfur Galbeed ee uu hogaaminayo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa uu caawa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaan ay ka wada hadleen wadahadalada u dhaxeeya Xukuumada Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka caawa dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la isku dhaafsaday halka uu marayo wadahadalada maalmahaan socday iyo caqabadaha hortaan iyo hadalada aan loo fiirsan ee ka kasoo yeerey Nicholas kay

Wafdiga Koonfur Galbeed oo isku raacay inay isaga tagaan magaalada Muqdisho oo ay ku laabtaan magaaladoodii Baydhabo ayaa waxa uu Gudoomiye Jawaari ka codsaday Wafdiga inay ka warsugaan ilaa maalinta beri si uu uga qeybqaato xal u helida qodobada la isku mari la’yahay.

Si kastaba arintu ha ahaatee siyaasadan caga jiidka ee ey wado xukuumada federalka ayaa ah mid aan dhamaaneyn taasoo kasoo bilaabaneysa tan iyo xiligii ey xukuumada u ogolaatey odey dhaqameedyada koonfur galbeed somaliya in ey sameystaan dowlad goboleed isla markaana ey kaga bexeen, Odayaashan ee uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Mudan Madoobe Nunow ayaa in mudo ah ku sugan magalada muqdisho ayagoo aan ilaa iyo hada wax xal ah ka gaarin joogitaanka ey joogaan magalada muqdisho.

JW
jw1

jw2

jw3

jw5

 

Daafeet.Com.

3 COMMENTS

  1. xadalkan Prfs Jawaari waa Timar Lafkaa ku jirta waxba yaan waqtiga idinkaga dhaman xamar madowe nuunow adiga iyo wafdigaga warka waa jug juk meeshada joog jawari xasan safarow Rey’sul was. mursaliini waa is wada og hihiin oo waqti badan xada ayaad xamar ku dhumisen ka soo Taga fursado badan kale aya jiree ka faaideysta inta Goori Goortahay..

  2. Asc marka hore waan idin salaamay jaaliyadda koonfur galbeed meel walba oo aad joogtiin marka xigga way haboon tahay in la wadda hadlo oo wixii danta reer koonfur galbeed ku jirta laakiin lama ogolaankaro gorgortan siyaasadeed oo meel looga dhacaayo lixda gobol ee ay ka kooban tahay Dowladda Koonfur Galbeed, midda kale ma ahan in waqti badan lagu lumiyo Xamar waayo shaqo badan ayaa u taalo madaxda Dowladda Koonfur Galbeed waana inay koobnaandaan safaraddooda si marka hore loo soo dhiso kaabayaashii dowladnimo ee ay ku shaqeyn lahaayeen ciddii dano siyaasadeed wadatana waa inay Baydhabo yimaadaan oo wadda hadalku ka dhacaa Wabilaahi Towfiiq, Hanoolaato, Hana waarto Dowladda Koonfur Galbeed.

Comments are closed.