Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay mar kale kormeer ku sameeyay Muqdisho, isagoo tagay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaaso uu kula kulmay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo u badan qurbo-joog ka yimid dalka dibaddiisa.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumar laga gaaray ganacsiga dalka sida dhismaha hoteellada, wuxuuna ganacsatada hoteellada Muqdisho ku yaalla dhisay uga mahad celiyay dadaalkooda, isagoo xusay in dalku uu u baahan yahay.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilliga la joogo meel lagu faani karo, waxa qabsoomay marka lagu faano ayaa waxa dhimmanna la dhameystiri karaa. Waxaana xaqiijinayaa buu yiri in magaaladu ay sidan nabad u tahay habeen iyo maalin.
Ugu dmbeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in magaalada amnigeeda ay tusaale u tahay inay gabi ahaanteed nalalkeedu daaran yihiin oo ay ifayso, laamiyada habeenkii waa kuwo gaadiidku buuxiyeen oo meel la maro ma lahan, dukaamaduna way camiran yihiin.
Daafeet.Com
Daafeet.Coma