95 Ardey oo ka Qalin Jebisey Jaamacada Koonfur Galbeed Somaliya

1
107

ardey1Arday tiradoodu ahayd 95 ayaa khamiistii ka qalin-jabiyay jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo, iyagoo ka bartay caafimaadka iyo maamulka iyo maareeynta.

Xafladda waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, askar ka tirsan AMISOM iyo maamulka Baydhabo , waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintan Dr . Maxamed Cali Xaamud oo ah wasiirka garsoorka iyo cadaaladda ahna ku-simaha madaxweynaha Koonfur-galbeed, wasiirka waxbarashada C/llaahi Shaleetey iyo Col. Buhanik oo ah taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Dr. Maxamed Cali Xaamuud, oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ay waxbarashadu tahay muhiim, wuxuuna ardayda ku boorriyay in ay bulshada uga faa’ideeyaan aqoontooda.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka hadlay Dr. Maxamed Cali Kalaay oo ah hormuudka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, isagoo ka hadlay taariikhda jaamacadda iyo in dufcaddaan ay tahay dufcaddii afaraad ee jaamacadda ka baxda iyo in jaamacadda lagu kordhin doono kulliyadda beeraha, xannaanada xoolaha.

ardey

ardey 2

ardey1

ardey3

Daafeet.Com

 

1 COMMENT

  1. maasha Allah, My Name is Mohamed as i have mention above, actually i’m happy about this activity and i will welcome any time to do improving, becuase this is one of our region is gain and provide the education, and i’m one of students graduating this year and i wish as soon as to come Baydhabo janay, and i love Baidoa, here i want to thank Allah first, secondoly Mohamed Ali Kalaay that always stands to promote and maintain the knowledge at south west of Somalia.i say always be continuing the study.let ALLAH be simple.

Comments are closed.