Madaxweynaha dowlada federlka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu xalay gaaray Magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee koonfur africa.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegey dalka Koonfur Africa ayaa waxa ku wehlinayay wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu u tagay Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay ka qeybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma oo mar kale ku guuleystay in dalkaasi uu madax ka noqdo.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika, wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi, oo uu kala hadli doonaa xaalada ay ku sugan yihiin.
Daafeet.Com