Warar goor dhaweyd aan ka helney magalada muqdisho ayaa sheega in kol dhaweyd uu iscasilay wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Koofur Afrika ayaa wasiirka ka codsaday iscasilaadda, waxayna iscasilaadda la xiriirtaa amni darro dhawaanahan ka jirtay dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna Magaalada Muqdisho oo maanta xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Iscasilaadda Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo beegmeysa iyadoo wasiirka uu baarlamaanka ka yaallay mooshin ka dhan ah waxqabadka wasaaraddii uu madaxda ka ahaa.
Daafeet.Com