Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday shalay oo Sabti ahayd xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 15-qof, iyadoo 30-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarka oo ahaa mid isugu jiray ismiidaamin iyo toos ayaa waxaa baarlamaanka oo uu shir ka socday ku qaaday xoogag taabacsan Al-shabaab, kuwaasoo qaraxyo ku furtay albaabka kaddibna gudaha u galay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa weerarka ku tilmaamay mid looga horjeedo nabadda iyo midnimada Soomaaliya, isagoo xusay in weerarkan uusan ahayn mid cudur-daar loo heli karo.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in falalka argagaxisada ee noocan oo kale ah ay yihiin kuwo soo laalaabtay dowladdana looga baahan yahay in ay ka hortagto sidii looga hortegi lahaa inay mar kale dhacaan.
Xarakada Al-sabaab ayaa weerarro nocoan oo kale horay ugu qaaday xarunta ay ku shaqeeyaan maxkamadaha dalka iyo madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawc.
Daafeet.Com