Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh oo Dalka Dib ugu soo Laabtey

0
72

xasan-sheekhMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo manta dib ugu soo laabtay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay gudoomiyaha barlamaanka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu ku qabtay qeybta nasiinada ee garoonka ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda dalka iyo weerarkii aragagxiso ee shalay ka dhacay xarunta golaha shacabka,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehedlada dadkii kudhintay weerarkii shalay oo ay ugu horeeyan ciidamada kala duwan ee amniga, isagoo ku tilmamaay weerarkaasi dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab waxaana uu tilmaam ka bixyay waxa ay ka dhigantahay in baarlamaanka xaruntiisa la bartilmamaedsado.

Madaxweynuhu wxaa uu sidoo kale amaan u jeediyay ciidamada ammaanka dowladda soomaaliya kuwaasoo ku guuleystay inay ka hortgaan argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay inay dulqaad muujiyaan islamarkaana ku kalsoonaadan ciidamada Qaranka ee diyaarka u ah inay naftood au huraan badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday iscasilaadii Wasiirkii amniga Qaranka oo xalay shaqada isaga tagay taasoo uu tilmamay inay qeyb katahay isbedelkii uu balalan qaaday, ayna tahay talaabo aad u wanaagsan oo geesinimo leh, isagoo talaabadaasi ku amaanay.

 

 

Daafeet.Com