Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay wasiirkii amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed isagoo ku tilmaamay is-casilaaddan inay tahay tallaabo geesinimo leh.
Mudane C/weli Sheekh ayaa ku amaanay wasiirka is-casilay inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayay shacabka Soomaaliyeed, xilli iscasilaaddiisa ay imaanayso iyadoo Al-shabaab ay weerartay xarunta baarlaamanka Soomaaliay oo uu shir ka socdo.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay inay xukuumaddu waddo baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo mas’uuliyaddaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu si dhaqso ah u soo magacaabi doono mas’uulkii bedeli lahaa wasiirka amniga Qaranka, kaasoo uu sheegay inay ka sugayaan wax-qabad muuqda oo dhinaca ammaanka ah.
Daafeet.Com
iscalisad hadey jirto adiga ayaa la rabey inaa meesha baneeneyso sababtoo ah adiga ayaa masuulida koowaad ku saaran ee R/W ah adigabaa waxaad u shaqeysaa kaabi qabiil oo waxaad aad wadi waa shacabka iska horkeenid shaley waa tii aa nacaska MADEER aad muqdisho keentey si aad u burburisho wadahalka dowlada iyo Mamulka KG adigoo amiinsan qabiilkaa BOOBLAN in uu booba dhulka adiga AWAAGA QOXOOTI ku ahaa oo Aderka maxamed siyaad uu ka goyee bay ayaa hada waxaad leedihiin Jubaland ayaa nahey walee muryaan in aad tahaya ayaad cadeysaytey ee ISCASIL DEG DEG
Comments are closed.