Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo ku booriyay Safiirada Soomaaliya Xoojinta howlaha qaranka ay u hayaan.

0
57

buriWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Buri’ Mohamed Hamza iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta kulan gaar ah si wadajir ah ula qaatay qaar ka mid ah Safiirada Soomaaliya oo ay ku booriyeen inay xoojiyaan howlaha qaranka ay u hayaan .

Kulankani oo ay ka qeybgaleen Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Safaaradaha Djibouti, Kenya, Uganda, Tanzania, Pakistan, India, Qatar, Yemen,Turkey, Germany, Italia , France iyo Lataliyaha ergeyga Soomaaliya uga wakiilka ah Xarunta Qaramada Midoobey ee New York .

Kulankani ayaa waxaa lagu faaqiday qodobada kala ah , ilaalinta xiriirka shaqo ee Safaaradaha iyo Waaxyaha Wasaaradda ka dhaxeeya ,Xoojinta dhawaqa Wasaaradda ee taageero u raadinta dhanka samafalka bani’aadanimo dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada iyo degmooyinka dhowaan laga xoreeyay kooxda nabad diidka , kordhinta fursadaha tababarada diblomaasiyad loogu raadinayo da’yarta diblomaasiyiinta ee ka howlgala Xarunta Wasaaradda iyo fulinta Siyaasadda dibadda ee Wasaaradda u degsan oo ah mid loogu adeegayo danaha qaranka ee difaaca madax banaanidiisa,midnimadiisa dhuleed,badeed iyo hawo oo ah mid muqadas ah oo lama taabtaan ah , iyadoo la xoojinayo maqaamka dowladnimo.

 
Daafeet.Com