Xaalado nolol xumo iyo abaaro ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyadoo ay dagaalana ka jiraan degmada BuuloXaawoWar Saalixi
Sidoo kale Dadka ku dhaqan Tuulada Daabley oo qiyaastii 15 km dhinaca waqooyi bari ka xigta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya maalmahii ugu dambeeyey in ilaa 3 Caruur in ay u geeriyoodeen cudurka Malaariyada iyo borokiitada halka, tiro intaasi ka badan ay la ildaran yihiin Xanuunkaasi oo dhowaan ka dilaacay Deegaanka.
Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in saxada oo liidata, helitaanka biyaha oo adag iyo daawo yari ka jirta deegaanka in ay sabab u tahay in ay deegaanka ka dilaacaan cudurada Malaariyada iyo Borokiitada oo faro kulul ku haya Caruurta iyo dadka waaweyn.
Sh.Maxamed Deerow oo ah Gudoomiyaha Tuulada Daabley ahna Madaxa qeybta Caafimaadka ayaa Wadajir u sheegay in 3 da caruur ee dhimatay iyo kuwa jiifa ka sokow aysan jirin wax adeeg caafimaad ah oo ka jira deegaanka mudo ka badan ilaa 3 sano iyo Bar,isagoo sheegayna dhibaatooyinkaasi dadka deegaanka in ay u sii dheer tahay xaaladaha nolol xumo ee ka taagan Deegaanka.
“Xaalada caafimaad tuulada Daabley waxay taagan tahay meel halis ah, caruurta dhimateyna oo 3 ah,labo ka mid ah ay yihiin Gabdho ,saldhiga cudurkana waa nolol xumo iyo nafaqo daro, mana jiraan wax daryeel cafimaad ah ah, meesha noogu dhowna oo daawo laga heli karana waa degmada Garbahaarey oo noo jirta ilaa 15 km ayuu yiri sh.Maxamed.
Inta badan Tuullooyinka hoos taga degmooyinka Gobolka Gedo malahan isbitaalo ay dadku ka heli karaan daaweyn, waxa keliya ee degmooyinka qaar laga heli karo ayaa ah xarun yar oo hooyada iyo dhallaankana lagu xannaaneeyo oo ay maamulaan rrurka Bisha Cas ee Soomaaaliyeed, taasoo aan dabooli karin baahiyaha caafimaad ee bulshada degmooyinka qaar iyo tuullooyinka ku xeeran.Wareysi ku Saabsan Caruur Cuduro ugu geeriyootey deegaano ka tirsan Degmada Garbahaarey ee Gedo