Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka da’ay maalmihii lasoo dhaafey roobabka xiliga gugga inkastoo roobka lagu diirsadey ayaa hada waxaa uu saameyay barakacyaal ku dhaqnaa magaalada gudaheda iyo duleedyadeeda.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole oo wareysi siiyey wadajirradio ayaa waxaa uu sheegay iney wadaan dadaal ku aadan sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa barakacyaasha ku dhibaateysan magaalada Baydhabo waxana hada uu jooga magaalada Muqdisho oo dadaal uga jiro sidii dadkaas gar gaaar loogu heli lahaa.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha soomaaliya iyo ray,iisul wasaaraha uu kala hadley sidii dowlada Soomaaliya gar gaar ay ku gaarsiin laheyd dadkaas dhibaateysan.
Halkan ka dhegayso WaraysigaWareysi gudoomiyaha degmada baydhabo (1)