Wararka caawa ka imaanaya xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in kulamo aan loo kala kicin tan iyo casirkii maanta ay ku lahaayeen gudaha xarunta sedexda Mas’uul ee ugu saraysa dalka.
Kulamada ay mas’uuliyiintu lahaayeen ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii loo buuxin lahaa dhamaan xilalka kasoo banaanaaday hay’adihii Amniga dalka oo iyagu guud ahaa min madax ilaa iyo mijimo dhulka loo dhigay.
Sida aan wararka ku helayno ilaa iyo lix mas’uul ayaa haatan ay madaxdu isku raaceen in xilka qaadis iyo bedelba lagu sameeyo sidoo kalena waxay isla meel dhigeen shaqsiyaadkii buuxin lahaa xilalkaas banaan.
Sidoo kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in kulanka caawa looga wacay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxaana lagu wargeliyay inuu buuxin doono xilkii uu baneeyay Wasiir Guuleed balse Wasiirka ayaa dhankiisa dalbaday in kolka lagu magacaabayo wasaarada Amniga ayan madaxdu kasoo tagin wasaarada Arimaha Gudaha oo Wasiirku u sheegay madaxda in labadan wasaaradood aan la kala goynkarin shaqadooda.
Ilaa iyo haatan waxaan si cad loo ogaan karin halka ay ugu danbayn ay madaxdu wax marsiin doonaan iyo in dalabka wasiirku ay meel marin doonaan iyo in kale.