Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay degmada Qoryooleey

0
64

qoryooleeySubaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa markale dagaal ka qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay afaafka laga soo galo magaalada waxana uu ahaa dagaal labada dhinacba aanay wax isula harin isla markaana uu ka soo kala gaaray khasaaro iyadoo labada dhinacbana uu gurmad soo qaaray.

Dagaalkan oo socday ku dhowaad Afarsaacadood ayaa waxaa inoo xaqiijiyay Aadan CabdiShakuur Aadan oo ka mid ah mas’uuliyiinta heer degmo waxa uuna hoosta ka xariiqay inay u gurmadeen ciidamadii AMISOM ka dib kolkii loogu awood sheegtay dagaalka.

Sidoo kalena waxa uu cadeeyay inuu jiro khasaare isugu jira Dhimasho,Dhaawac iyo weliba burbur hantiyadeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay walow aanu si rasmi ah u sheegin tirada.
Dhanka kale mid ka mid ah Baraha taageera Shabaab ayaa lagu qoray in 8 askari Yugaandheys ah lagu dilay dagaalka iyadoona 13 kale ay dhaawacmeen.

Degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ka mid tahay degmooyin dhowr ah oo gacanta Dowlada magac ahaan u soo galay balse ay Xarakada Shabaab ku guulaysatay inay go’doomiso.

 

 

Daafeet.Com