Dhegayso..Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur oo lagu eedeeyayay inuu Shabaab Hubka iyo Dharka ciidanka uu siiyo

0
394

khaliifKhaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo haatan haya xilka Taliyah Saadka Ciidamada Dalka ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ku takrifalo Saadka Ciidanka isagoo siduu doono u isticmaalo isla markaana uu siiyo cidii uu doono.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya C/qaadir Maxamed Cali ayaa cadeymo ukeenay inuu qaabkuu doono u isticmaalo ina Macalin Nuur hubka Dawlada ciduu doonana siiyo.
Waxa uu ku eedeeyey in dareeska iyo rasaasta dawlada uu Taliyuhu gacanta u geliyo Al Shabaab.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo aan weligii soo marin ciidan-nimo misna aanu lahayn wax aqoon xaga maamulka ah ayaa haatan waxa uu qaab Qabyaaladeed ku haystaa xilka Taliyah Saadka Ciidamada Xooga Dalka waxaana xilkaasi uu hayaa tan iyo xiligii Shariif Sheekh Axmed uu madaxweynaha ka ahaa dalka isagoo maamulka dowladnimana ka soo galay ururka Ahlu-Sunna Waljameeca.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ay Jufo hoose isku yihiin Madaxweynaha hada talada haya ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u muuqda ruux aan cidi ka amar qaadan misna u dhaqma sida caruur Shinbiri qabatay”Dilna u dhow Deysmana u dhow”.
Halkan ka dhegaysoUnknown Album