Dowladda Somalia ayaa diiday ka qayb-galka shir looga hadlayo qoxootiga oo maanta ka furmi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay sababaha ay shirka uga baaqatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida qoxootiga ku ah dalkaas.
Shirkan ayaa waxaa kaloo kasoo qayb-geli lahaa hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR iyo xukuumadda Kenya, iyadoo looga hadli lahaa qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay tan iyo bishii hore waday qafaal ay ku hayso Soomaalida ku nool dalkaas.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay inuu khilaafsan yahay qaabka dowladda Kenya kula dhaqmeyso qaxootiga Soomaaliyay xeerarka caalamiga ee arrimaha qaxootiga, gaar ahaan heshiiskii Geneva lagu saxiixay sannadkii 1951-kii iyo kii Midowga Afrika.
Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ayaa horay ugu heshiiyay in guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya dib u celinta qoxootiga Soomaalida ah la sameeyo, si ay uga shaqeeyaan inay dib ugu celiyaan dalkiisa ciddii doonaysa iyadoo aanu jirin wax khasab ah.
Daafeet.Com