Howlgal ay fuliyeen ciidamada AMISOM ayaa waxay kusoo badbaadiyeen 30 qof oo rag iyo haween isugu jira, kuwaasi oo shalay Al-Shabaab ka afduubatay deegaan lagu magacaabo Baar Caleen oo u dhow magaalada Kismaayo.
Dadkan ayaa ah ganacsato qaadka iibisa, iyadoo shalay ay Al-Shabaab gacanta ku dhigeen xili ay qaadka gelin rabeen Kismaayo, waxayna Al-Shabaab gubtay qaadkii, dadkiina wadayna ay u kaxeysteen keymaha deegaanka Baarl Caleen.
War qoraal ah oo kasoo baxay Ergayga Midowga Midowga AFrika u qaabilsan Somalia Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa lagu sheegay in dadkaani si nabad ah lagu soo badbaadiyay xili ay u afduubnaayeen Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Ambassador Mahamat Saleh Annadif in Al-Shabaab markii laga qabsaday deegaanadii dhaqaalaha badan kasoo geli jiray ay bilowday inay afduubtaan shacabka si dhaqaale ugu helaan.
Daafeet.Com