KoonfurGalbeed Muqdisho maloo beec geeyay mise waa lagu barya tagay?

2
98

hjkKu dhowaad bil waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdi balaaran ee uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlad goboleedka KoonfurGalbeed Soomaaliya mudane Madoobe Nuunow Maxamed,

Wafdigan ayaa kolkay u soo ambabaxayeen magaalada Muqdisho waxay shacabka KoonfurGalbeed iyo Warbaahintuba u sheegeen in ay safar gaaban ku gaari doonaan magaalada Muqdisho iyagoo sheegay inay casuumaad ka heleen dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Tagistii Wafdiga ee Muqdisho..

Hadaba wafdiga Madaxweyne Nuunoow kolkii ay gaareen Muqdisho waxaa garoonka Aadan Cade ku soo dhoweeyay Xubno taageersan Maamul goboleedka KoonfurGalbeed oo labada goleba ka kooban ha yeeshee waxaan halkaasi lagu arkin madaxdii sare ee dalka siiba Ra’isulwasaaraha Dowlada Fedraalka oo isagu ahaa ruuxii Casuumaada soo diray ee wafoodan heer Madaxweyne ah u timid sidoo kalena waxaa goobta laga waayay Warbaahinta Dowlada Fedraalka sida Raadiyo Muqdisho iyo SNTv taasina waxay abuurtay shaki mugweyn oo Shacabka KoonfurGalbeed ay ka qaadeen madaxdoodii Muqdisho u Barbax tagay (Mudo kooban oo meel laga soo xamaasho waxoo dhaqaale ahna la doorbidayo in laga soo helayo)

Sidoo kalena diiday inay shacabkooda u soo bandhigaan kulamadooda Mugdi ku maalka ah ee ay Dowlada Fedraalka kula jiraan iyadoo haba yaraatee aan dhanka Dowlada Fedraalka iyo Saxaafadeedubana ay marnaba soo hadalqaadin in wafdi heer Madaxweyne ah oo ka yimid KoonfurGalbeed uu joogo Muqdisho iskaba daa in wadahadalo ay kula jiraane!

Hadaba waa yaabe maxaa khaldan oo ay dhinacyadu qarinayaan mise Madaxweyne Madoobe iyo Maamulkiisa ayaa Muqdisho u beec geeyay Shacabka KoonfurGalbeed oo waxa haatan laysku hayaba aanay ahayn qadiyad ummadeed oo waxa laysku hayaaba uu yahay Sicirkii laka siisan lahaa qadiyada reer KoonfurGalbeed oo laysku mari la’yahay?

Shakigan weyn ee Shacabka KoonfurGalbeed ay qabaan ayaa waxa uu sii siyaaday kolkii uu Ra’isulwasaare CabdiWeli Sheekh Axmed uu diyaarad gaar ah u diray shaqsiga loo wakiishtay carqaladaynta Dowlada KoonfurGalbeed ee Mat-deero uuna keenay Muqdisho lana soo shirtagay in wax laga siiyo maamulka si uu ebed uu carqaladayn uu ugu hayo Dowlada KoonfurGalbeed!

Sidoo kalena dhawaaqii kasoo yeeray Nicolas Key ayaa waxa uu isna muqdi geliyay qadiyadii ummadda loo sheegay in Muqdisho loo tagay oo ahaynd in wadaxaajoodku uu ku salaysan yahay qaabka ay dhinacyadu isula shaqayn lahaayeen misna ay isu aqaoonsan lahaayeen!

Halka gudoomiyaha Baarlamaankuna uu maalin walba rajo aan jirin u akhriya wafdiga Madoobe Nuunoow oo iygu haatan u muuqda kuwo aan wax tala ah faraha ku hayn Calaacal iyo Caloolyow ma ahee!
Xaalkooduna uu ku biyo shubtay maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa?

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya CabdiWeli Sheekh Axmed oo isagu ahaa shaqsigii casuumay labada wafdi ee reer Baydhabo ayaa hadana labada dhinacba ka dayaya maslaxada Beesha Daarood oo aad moodo inay isugu habar wacatay boobka dhulka Digil iyo Mirifle halka Hawiyuhuna uu gadaal uga jiibanayo sugayana hanbada Daarood.

Shacabka reer KoonfurGalbeed ayaa waxay kifaax adag u soo mareen samaynta maamul ay iyagu leeyihiin kaasi oo dhidibada loogu dhigayay helida Dowlad ay iyagu leeyihiin una adeegta kana saarta dhibaatooyinkii laga mutay Siyaasadihii dowladihii soo maray Soomaaliya tan iyo Daakhilayadii iyo weliba dagaaladii sokeeye.

Guuxa Shacabka KoonfurGalbeed.

Shacabka KoonfurGalbeed oo sida aan soo sheegnayba kifaax adag u soo galay soo gaarista halka ay maanta joogaan ayaa waxaa hadana ay shaki weyn ka muujinayaan oo ay wax iska weydiinayaa Su’aalo dhowr ah oo ay ugu horaeeyaan.

A-Hadii wafuudan ay ka heleen casuumaad xukuumada federalka Soomaaliya sida ay sheeganayaan waa maxay sababta ay mas’uuliyiinta Dowlada ama Warbaahinteeduba ay uga hadli waayeen ilaa maanta?

B- Maadaama waxa heshiisyada galaya ay yihiin Dowlada Fedraalka iyo Dowlad Goboleed…Maxaa keenay in ergada Dowladu ay yihiin oo kaliya reer KoonfurGalbeed oo welibana aan go’aan ku gaari karin magaca Dowlada?

C- Wafdiga madaxweyne Nuunoow intee in le’eg ayay rabaan in Hoteelada iyo Maqaayadaha Hawiye magacooda lacag ku qaataan iyaguna sidii Xoolo xiro lagu ooday oo kale ay u fadhiyaan salootada hoteelka?

D-Xilalkii ay u dhaarteense dayaciisa berito ILLAAH hortiisa maxay kaga jawaabi doonaan ileen waa la su’aaliye?

Waa dhab in magac lasheegtaa ay aad u sahlantahay Howl la qabto-se ay u baahan tahay dad u dhan kana dhan balaqyada siyaasiyiinta ay surayaan!

Gunta iyo gebagebadii waxaan leenahay anagoo codka Shacabka u taagan

Ma joogo Muqdisho mas’uul lagala munaagashooda masiirka ummadeena.

Macmal iyo Guul-guul waaye kuwa magaca masraxa ku majaajilaynaya.

Madaxda meelaha kale miiska kolkay timaado magaalo dibadeed ay doorbidaane idinkuna ma dareentooy maxaa Muqdisho idiin keenay?

Ma ogayn,Umamalaynayn,Sidaa may ahayd,Ma anaa u haystay war siyaasi inaanu ahayn waa idiin marqaati gashan karaaye?

Maxaad Muqdisho la yuururtaan kol hadii sharaftiinii dhulka lagu jiiday?

Mise xaalkiina waa kii doqontii layiri “yaan lagaaga darin bay u dareen la’dahay”.
W/Q.
Abdiaziz ShSalah

2 COMMENTS

  1. Asc waad kumahad santi hiin walaalaha k/g beed baraarujinta aadsamayseen waxaan halkaan baaq ugadirayaa madaxwaynaha k/gbeed madoobe nuunow maxamed waa in uu mar walbakusha qeeyarabitaanka shacabkiisa waa in aysankasiyaasad badin dad asaga asaagiis ah waana in uu uhalgamaa magaca uu maanta kumeelmarayo ( waxaana halkaa baaqkale ugadirayaa qoomiyada digil&mirifle siyaasiyiintooda & waxgaradkoodama & shacabba waa inloodiyaar garoobaadagaal naf iyo maalba leh waana in cadowga dhulalaga xoreeyaa sida boobland & habargidir marka shiqsi haduuwanaagkeenanah waa alxabdulillah hadiikalana shacabka ayaacodka iska leh marka waxna shaqsimaxayirikaroh ee saahala ogaado waana mahadsanti hiindhamaan reer k/g beed shacab & saxaafadba

  2. KKKKKK KKKKKKK KKKKKKK CARABTA WAXEY HOREY UGU MAAH MAAHDEY ” AL MISKIIN MAA YAKHALLI MEHRATUHU” TAASOO MICNAHEEDU YAHAY EELAAY WELIGEED TUUGSI WAA MAHRADEDA , MANA DHAAFEYSO.

    MARKA K/GALBEED MICNAHEEDU WAA ” GOBOLLO BADAN OO IBRIQII HOREY LOOGU TUUGSAN JIREY LAGU RIDI RABO, LAAKIN UUSAN QAADEYNIN” KKKKK KKKKK

Comments are closed.