Dhegayso…Mid ka mid ah Masuuliyiinta Isbaarooleyda Gobolka Shabelaha Hoose Dhibta ku hayey oo Xaley Lagu Diley Tuulada Taxsiile

0
94

indhooleGudoomiyihii hore ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobalka Benaadir Mooryaan Yuusuf Cali Indhoole oo dhowr isbaaro ah u taaley inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanleweyn ayaa xaley lagu diley Tuulada Tixsiile ee Degmada Afgooye.

Dilka Yusuf ayaa dhacay ka dib kolkuu asaga iyo maleeshiyaadkiisa ey isku deyaan in ey weerar ku qaadaan isbaaro meel u tiiley qaar ka tirsan ciidanka dowlada,Laba bolood kaliya ayaa laga joogaa kolkii sidan oo kale ay ciidamada Dowladu ugu dileen isla deegaankan Yuusuf Indhoole walaalkiis oo la dhihi jiray Cismaan Cali Indhoole oo isna Isbaariiste ahaa.

Shacabka ku nool deegaankaas ayaa soo dhaweeyey artaas ku dhacdey Yusuf Cali maadaama uu dhibaato badan uu ku hayey.

Halkan ka dhegayso Unknown Album
Daafeet.Com