Dhegayso..Gudoomiyaha degmada Xudur oo deegaanada Yeet iyo Caato u hibeeyay Ogaadeen

1
82

pstaGudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo maalmihii lasoo dhaafay kasocday qaybo ka tirsan deegaanada dhaca xuduuda gobolku uu la leeyahay Itoobiya.

Dagaaladan oo ahaa kuwo aad u adag ayaa waxaa ka qayb qaatay ciidamada loo yaqaano PS-ta ee beesha Ogaadeen oo iyagu gashan dharka waxa loogu yeero ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida-Itoobiya ee Kilinka 5aad sida uu cadeeyay Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Xasan .

Ciidamo beeleedkan beesha Ogaadeen ayaa waxay dadaal xoog leh ugu jireen mudooyinkii danbe inay ku soo fidaan dhulka dhaca xuduuda gaar ahaan Yeet,Caato iyo deegaano kale oo aan wax badan ka fogayn xuduuda.

 

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

1 COMMENT

  1. Waa bilowgii wareejinta Xuddur, Baydhaba, iyo Daafeet ilaa Kismaayo. kkkkk kkkkk kkkkkkk kkkkkkkkkkkkk.

    Sidaas waa dhaqanka Eelaayda iyo intii ku daba feylan.

Comments are closed.