Dhegeyso:-Gollaha Guurtida K/galbeed oo Ugu Baaqay Madaxweyne Madoobe Nuunow Iyo Wafdigiisa In Si Deg Deg Ah Uga Baxaan Muqdisho

0
128

odayalKulan aan caadi aheyn ayaa maanta dhexmaray Qaar kamid ah Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed.

Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ayaa kula taliyay Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Wafdigiisa in si deg deg ah uga baxaan magaalada Muqdisho ayna u aadaan Magaalada Baydhabo Janaay.

Malaaq Jalaal Malaaq Maxamuud oo kamid ahaa Odayaashii kulanka la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Baaqa maanta kasoo baxay Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed u akhriyay Warbaahinta.

 

malaaq jalaal

 

Daafeet.Com