Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo culus waxa ay ka wadaan xaafado ku teedsan wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Dowladda kuwa AMISOM ay saaka kusoo kaleheen Xaafadaha Warshada Caanaha ilaa aaga loo yaqaan Shareeco oo Xaafada WSarshada caanaha ka tirsan.
Salaadii Subax kadib ayeey ciidamada ku faafeen xaafadaha Warshada caanaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi aqalada ay kasoo saareen dhalinyaro badan oo kamid ah kuwa deegaanka.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu sheegayaa in ujeedkiisa uu yahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo baadigoobka raga ka tirsan Al-Shabaab ee Muqdisho ku dhuumaaleysta.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeet.Com