Taliyaha difaaca dalka Sierra Leone ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo masuuliyiin ka tirsan Midowga Afrika.
General Samuel Omar Williams ayaa markii uu soo gaaray magaalada muqdisho waxaa uu la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo danjiraha Midowga Africa ee Somalia Maxmed Saalaxa Anadif.
Mas’uuliyiinta yaa kawada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ay ka wadaan Somalia, waxaa sidoo kale Jen. Williams uu u kuur galayaa xaaladda ciidamada Sierra Leone ee ku sugan Somalia.
Dowlada Sierra Leone ayaa ka mid af wadamada ciidamada usoo direy dalka somaliya si ey u xasiliyaan.
Daafeet.Com