Xildhibaannada Baarlammaanka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulan aan caadi ahayn, kulankaas oo arrimo dhowr ah ay diiradda ku saari doonaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in arrimaha kulanka baarlammaanka ee maanta layskula soo qaadi doono ay kamid yihiin: ammaanka xildhibaanada iyo weerarkii dhowaan ay Al-shabaab kusoo qaadday xarunta baarlammaanka.
Xildhibaanka ayaa sidoo sheegay in qodobada miiska saaran ay kamid yihiin qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee dowladda iyo sidii loo heli lahaa qorshe dhaxagal ah oo ammaanka guud ee dalka looga dhigayo mid sugan.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili ey alshabaa weerar kusoo qaadeen xarunta baarlamaanka 11 maalmood ka hor, waararkaas oo geystey dhibaatooyin badan.
Daafeet.Com