Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbed iyo Wafdigiisa oo maanta u Suura Geliweydey Iney U dhoofaan Magalada baydhabo

1
72

madobeMadaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed oo beryahan safar wada hadalo u jogey magalada muqdisho kulankaas oo markii dambe ku dhamaadey fashil.

Madaxweynaha ayaa maanta waxaa uu ahaa in uu dib ugu soo laabto magalada baydhabo taasoo uu ka maqnaa in mudo ah, Kolkii uu yimid garoonka Adan Cade ee magalada muqdisho ayaa madaxweynaha iyo wafuudii la socotey lagu war geliyey in diyaaradii qaadi laheyd ey haleysan tahay sidaas daraadeedna eysan bixi karin.

Dhanka kale waxaa magalada muqdisho ka socda loolan loogu jiro sidii loo carqaladeyn lahaa dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya kaasoo ey hormuud u yihiin xukuumada federalka oo uu hor kacaayo reysulwasare cabdi weli.

Sida aan wararka ku helney ayaa waxaa ey sheegayaan in reysulwasaraha uu maanta diyaarad qaas ah u direy wasiirka arimaha gudaha ee dowlad goboleedka koonfur galbeed C/fataax Maxamed Ibraahin Geesey, Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta koonfur galbeed Maxamuud Cali Shire iyo Wasiirka dowlada hoose iyo horumarinta reer miiga ee koonfur galbeed somaliya Shiine Macalin Nunow.

Ilaa iyo hada waxaan la ogeyn sababta keentey in reysuwasaraha iyo xukuumadiisa ey u diraan diyaarad qaas ah wasiiradan isla markaana ey yimaadaan magalada muqdisho ayagoo eysan ka war heyn madaxweynaha Dowlad goboleed iyo wafuudiisa.

madobe1

madobe2

madobe
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Waan Ka,xumahay In Lagu Bahdilo Muqdishoi Umad,Dhag Hugaamiya U Ah Qowmiyad Qaarna Iyagoo Is Ogeyn La,Duuliyo Laga Kor Geeyo Kuwii Kale Waa Nasiibdaro U Soo Hooyatey Kgs .Waxaa Nasiib Darakale Ah Ku Sheeganaya Mas,uul Dawaladnimo Kana Soo Jeeda Kgs Aan Iyaguna Latirsan Karin Una Badan Dad Aqoon Hoosa Leh U Adeegaaya Kuwa La,Mid Ah.Arintaasina Waxaa Jawaabteeda Iskaleh Golaha Guurtida Iyo Shacabka Reer kgs.Fg,Ogaada Cadawga Aad Leedihiig Asc.

Comments are closed.