Daah-furka kulankii ugu horreeyey ee wada-tashiga Bulshada iyo dowladda oo maanta ka bilowday degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, guddi-hoosaadka arrimaha Bulshada ee golaha Wasiirrada, Agaasimaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, iyo Bulsho ka kala timid ilaa far degmo oo ku yaalla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulankan ayaa dhallinyarada, haweenka, aqoonyahannada afarta degmo ka kala yimid ay tallo, su’aallo weydiin iyo dhalliil si toos ah ugu jeedinayey madaxda Xukuumadda ee uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda, Maxamed Aadan Guuleed ayaa sheegay in dadka umadda Soomaaliyeed si looga adkaayo in la abuuro afkaar ka soo horjeedda, gobolka Banaadirna uu diyaar uu yahay in la taabba geliyo howshaasi.
Wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Ra’iisul wasaaraha ka codsaday in la sii wado kulamadan oo kale tallooyinka shacabkuna ay ku howl-geli doonaan hey’adaha ammaanka Qaranka.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Maxamed, ayaa kulanka wada-tashiga gabagabadiisa ka sheegay in wada-tashiyada ay sii socon doonaan si dalka horumarkiisa loo gaaro.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in ay hormuud u noqdaan isbaddel weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa uu ugu baaqay dhalliyarada la qalday in ay ka soo laabtaan fikirka qaldan, Xukuumadduna ay soo dhaweeneyso.
Daafeet.Com
Allah Karim allahayow dad aan Qalbigoda iyo Afkoda is lahayn ha naga adejiniin oo naga qabo Amin
Comments are closed.