Gaadiidka nooca aan karin rasaasta oo tiradoody gaareyso 11 ayaa maanta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ay ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya.
Madasha gaadiidkaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye, ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaaraya 11-nooca aan rasaasta karin.
Wuxuu goobta ka sheegay in arintani ay qeyb ka tahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna siiwadayaan sida ay u taageerayaan Dowladda Soomaaliya.
Gaadiidkan nooca aan rasaasta karin Dowladda Soomaaliya waxaa uguddoomay Agaasimaha madaxtooyada Taabit Abdi Mohamed, oo goobta ka sheegay in Imaaraadka Carabta ay umahadcelinayan taageerada joogtada ah ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.
Daafeet.Com
Xabad aan Karin ley lagu jiraya war nafta mar keliya ayeey go’dayee maxa ka naf jecleysiiyeey Shacabki ay Kuxumayeen ileen waa Dowlad dhan oo rabto iney Babur Xabada kareeyniin ku dhex jirto Subhanallah.
Comments are closed.