Qaramada Midoobay ayaa mar kale walaac ka muujisay xaalado nafaqo darro oo ka jira qaybo kamid ah Somalia, iyadoo shir ka dhacay New York lagu soo hadal-qaaday suurta-galnimada ah in mar kale ay dalka ku habsato abaar daran.
Madaxa arimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay Valerie Amos ayaa ku baaqday in lagu taageero Soomaaliya lacag dhan 60 Million oo dollar si loo dhimo khataraha ka dhalan kara cuna-yaraanta la soo sheegayo.
Waxaa kaloo ay ka digtay in la xanibo lacagaha dadka Soomaaaliyeed looga soo diro dibadaha oo wax badan u qaban karta sida ay xustay ,iyadoo ka digtay dhibaatada arintan ka dhalan karta hadii aan wax laga qaban.
“Dadka Soomaaliyeed wax badan ayey naga rajaynayaan ,waqtigana waa uu cayiman-yahay ,waxaan ugu baaqaya hogaamimiyaasha Soomaalida inay u midoobaan danaha dadkooda “ayuu isna yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya danjira Kay oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday shalay magaalada Muqdisho.
Ugu danbayntii boqolaal ruux ayaa gudaha Somalia ugu geeriyooday macluul daran sanadkii 2011-ka ,markaasoo ay abaar halis ah dalka ku dhufatay, waxaana gar-gaarka ay Amos ku baaqday uu wax badan ka qaban karaa dhibaatooyinka hadda jira.
Daafeet.Com