C/qaadir Siidii oo la hadlay Idaacada BBC-da, ayaa shegay in waxa Gobalka ka dhacaye ay yihiin arin aad looga xumaado, isaga oo sheegay in dagaaladaan qabaai’ilka ay dadka soo xusuusiyeen xiliyadii qabiilka la isku leyn jiray.
Waxa uu ku tilmaamay dagaalada kuwa waligiis uusan arkin waxaana uu ku cel-celiyay baaqa ku aadan xasilinta xaalada Gobalka Shabeelaha hoose, isaga oo sheegay in ciidamada Amisom uu ku amray inay kala dhaxgalaan dagaalada culus ee Gobalkaasi ka dhacaya.
Guddoomiye Siidii wuxuu kaloo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dalbanayo in Gobalka ay usoo dirto ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid si ay ukala dhexgalaan ciidamada qaabka beeleedka ugu dagaalamaya Gobalka Shabeelaha hoose.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeet.Com
Ninkan xaqqa Allah ha tuso.
Ninkan xaqa alaah tuso markaa leedahay waa nin madax ah hadalkaan hadal kawanaagsan maa haysaa adiga waxan waa siyaasad tartiib hareda bolis sxb gadoomiyaha meel walbu ka hadlaa aaway kuwa xil dhibaanada kaso jeeda sh.hoose sidii geesi waaye wuu hadla runtu sheega ee dadka kale lee xaqa alah tuso
Comments are closed.